Gaalada Mareykanka iyo Neceybka ay u Hayaan Quraanka
Waxaa had iyo jeer maalin kasta la maqlaa falal iyo waxyaabo yaab badan oo ay ku kacaan reer galbeedka, afcaashaasi oo aad uga muuqato neceybka diinta Islaamka iyo Kitaabka Alle.
Haddaba akhristow waxaa haatan soo shaac baxday in kaniisad ku taalla gobol ka mid ah Mareykanka ay go’aamisay in la gubo kutub Quraanka Kareemka ah iyadoo taasi marmarsiinyo uga dhigeysa Al Qaacida ayaa na qarxisay september 2001.
Kaniisadan oo ku taalla gobolka Falorida ayaa waxay sheegtay in maalinta 11 September 2001 oo Mareykanka laga xuso qaraxyadii New York iyo Washington gubi doonto kutub Quraan ah si ay uga dhigtaan marmarsiinyo.






